Sanaag – Gudoomiye Dhoobo-daareed oo booqday jidda hore ee Yubbe (Sawiro )

Wefdi ka kooban xildhibaanno iyo wasiiro ka tirsan dowladda Puntland oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo ayaa gelinkii dambe ee shalay booqday fariisimaha ciidanka Daraawiishta Puntland ee degmada Yubbe .

Guddoomiyaha iyo wefdigiisa ayaa soo kormeeray fariisimaha kala duwan ee ciidanka Daraawiiishta Puntland ku leeyihiin degmada Yubbe halkaasi oo ay isku hor fadhiyaan ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Somaliland kuwaasi oo labada dhinac ka fadhiya magaalada Yubbe.

Mudane Dhoobo iyo wefdigiisa ayaa kulan la qaatay saraakiisha ciidanka Daraawiishta Puntland ee ku sugan Yubbe iyagoo ka dhegaystay warbixinno la xiriira xaaladda ciidanka iyo diyaar-garowga ay ugu jiraan difaaca xuduudaha Puntland.

Dhinaca kale guddoomiyaha iyo wefdigiisa oo xalay ku howday degmada Hadaaftimo ee isla gobolkaasi ayaa saaka kulamo kala duwan la qaadanaya maamulka degmada Hadaaftimo iyo bulshada ku dhaqan degmadaasi.