Video:-Axmed Karaash oo dib ugu soo laabtay Garowe

Madaxweyne ku xigeenka ayaa u mahadnaqay dadweyhihii soo dhaweeyay ee Degmada Dangoronyo.

Karaash,ayaa intuu uu ku sugnaa Degmada Dangoroyo waxuu xarig kaga jaray Maqaaxi lagu magacaabo New Doog oo ganacsato ay ka hirgalisay, halkaas,isagoo ammaanay horumarka ka socda Degmada.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka ayaa ganacsatada Dangoronyo ku booriyay in ay sii laba jibbaaran qorshayaasha ay horumarinayaan degmadan, waxaana uu tilmaamay ka dowlad ahaan in ay dhankooda wax walba ay diyaar ula yihiin.


Madaxweyne xigeenka,ayaa sidoo kale dhagax dhigay dhamaystirka Dugsiga Sare ee Degmada Dangoronyo.

Ugu danbayn karaash waxuu usoo gudbay Caasimadda Garowe,waxuuna soo gabgabeeyay socdaal afar cisho qaatay oo uu ku maray Gobolada Nugaal, Kar-kaar iyo Bari.diban loogu xoreeyay Deegaanka Af-urur oo maalmo ka hor Ciidamada Difaaca Puntland si gadood ah uga soo baxeen,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka