Gudiga dib uhabaynta maamulka Gobolka Mudug oo bilbaabay shaqadoodii

Hawlgal habacsanaata looga saarayo maamulka Gobolka Mudug,ayaa si rasmi ah uga bilowday Gobolka.

Gudiga dib uhabaynta maamulka,ayaa waxaa magacaabay Madaxweyne Deni,waxaana Gudoomiye ka ah Wasiirka arimaha gudaha,isla markaana waxaa xubin ka ah Wasiirka Maaliyada.

Gudiga oo samaystay qorshe hawleed ay ku dhaqaaqaan,ayaa fasaxii Ciida kadib gudagalay hawlgalkooda.

Shalay waxay la kulmeen isuduwayaasha Wasaaradaha ee Gobolka,kuwaasoo gaaraya ilaa Sagaal.

Gudigu waxuu mid mid uwaraystay isu-duwayaasha Wasaaradaha ee Gobolka.iyadoo mid walbaaba waxqabadka Xaafiiskiisa iyo sida uu shaqeeyo usoo gudbiyay.

Arimihii la yaabka lahaa ee kulankaas lagu ogaaday,ayaa waxaa laga taaban karaa kuwan soo socda:-

B.Afar isu-duwe mooyee inta kale ma leh Xaafiisyo ay ku shaqeeyaan,waxayna xogta Xaafiisyadooda ku wataan Flash-ta lagu kaydsado Xogaha,waxaana ka mid ahaa isu-duwayaashaaas kan Wasaarada arimaha gudaha.

T.Marka laga soo tago Afar Isu-duwe inta kale isma waji yaqaanaan,iskabadaa in ay wada shaqayn ka dhaxaysee.

J.Isu-duwayaasha Wasaaradaha ee Gobolka Mudug kala bar waxay ku magacaaban yihiin Xaafiisyadaas tan iyo intii la yagleelay Puntland,mana jirto cid dabagashay ama la xisaabtantay.

isku soo wada duuboo Gudigu waxuu si dar-dar leh ubilaabay hawlgalkiisa,waxayna maanta la kulmeen laamaha amaanka iyo hogaamintooda.

Sidoo kale waxay maalinka beri foog ah u dhaqaaqayaan dhanka Degmada Goldogob oo iyadana shaqo muhiim ah ay kasoo qaban doonaan.

Jibril Qoobey.