Laamaha amaanka Puntland oo qab-qabtay Rag Galkacyo kaga dhawaaqay shareecada islaamka

Laamaha amaanka Puntland,ayaa qabqabtay Rag Todobo ah oo Doraad goob Hotel-ah ka sheegay in ay matalaan mid ka mid ah beelaha Puntland,isla markaana ay qaateen shareecada Islaamka kana soo horjeedaan dastuur-ka Bulshadu ku heshiisay.

3-ka mid ah Ragii fadhigaas soo abaabulay ayay Ciidamadu gacanta ku dhigeen,isla markaana waxay ku raadjoogaan midkii Afraad.

Sidoo kale 3-Oday oo ka mid ahaa Todobada Nin,ayaa sheegay in la khalday si kalena wax loogu sheegay,isla markaana ay beeninayaan warkii kasoo baxay saxaafadana la hadlayaan.

Raga 4-ta ah ee soo abaabulay kulanakaas,ayaa xogta laga helayo laamaha amaanka Puntland waxay sheegayaan in ay ka yimaadeen Jilib oo ay kula soo kulmeen horjoogayaasha Ururka xagjirka ah ee Alshabaab.

Ujeedka Ragan,ayaa ah in Maxkamad ay dabada ka riixayso kooxda Alshabaab laga hirgaliyo Gobolka Mudug,

Puntland,ayaa dastuurkeedu ku salaysan yahay shareecada Islaamka,isla markaana nidaamkeeda Cadaaladu ku dhaqmaa shareecada Islaamka,mana jirto xiligan baahi si gaar ah loogu qabo Maxkamad islaami ah.

Ururka Alshabaab oo ka faa’idaysanaya habacsanaan weyn oo ku timid Maamulka Gobolka Mudug,ayaa bilaabay dadaal ay Bulshada ku dhexgalayaan,iyagoo adeegsanaya shaqsiyaad Gobolka saamayn ku leh oo cagajuglayn awgeed ugu dabcay.

Dowlada Puntland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Deni,ayaa bilowday dib u habayn maamulka Gobolka Mudug ah.