Video:-Booliska Gobolka Mudug oo tababar loogu qaaday Carmo

234-ka mid ah Booliska Gobolka Mudug,ayaa maanta lagu xareeyay Dugsiga tababarka ee Degmada Carmo ee Gobolka Bari Puntland.

Booliska la xareeyay,ayaa la qorshaynayaa in dib tababar loogu furo,isla markaana la diiwaangaliyo loona dhamaystiro agabkooda shaqo ee ay ubaahan yihiin.

Sida qorshuhu yahay Ciidamada la qaaday,ayaa waxaa laga dabagayn doonaa dhawaan Cutub kale oo Booliska Gobolka Mudug ah oo baahi amni darteed maanta uga baaqday tababarkaas.

Gudiga dib uhabaynta maamulka Gobolka Mudug ee Madaxweyne Deni magacaabay oo shaqadooda si rasmi ah ubilaabay maalinkii shalay ahaa,ayaa saakay ka hawlgalay laamaha amaanka.

Gudigu waxuu si rasmi ah utirakoobay guud ahaan Ciidamada Gobolka ka hawlgala,iyadoo qorshuhu yahay in dib loo qaabeeyo loona tayeeyo.

Ciidamada ay tirakoobeen Gudiga,ayaa waxaa ka mid ah..

1.Ciidamada Booliska

2.Ciidamada ilaalada Canshuuraha.

3.Ciidamada Taraafikada

4.Ciidamada Nabadsugida.

5.Ciidamada Daraawiishta

Waxaa muuqata dardargalin xoog leh oo lagaliyay hawlaha maamulka Gobolka waxii ka danbeeyay booqashadii Madaxweyne Deni,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka