9 Ruux oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed oo lagu dilay Gaalkacyo

Wararka laga helayo gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay 9 ruux hal mar lagu dilay duleedka  koonfureed Gaalkacyo saacado kadib markii nin dhalinyaro ah lagu dilay gudaha  magaalada.

Sarkaal ka tirsanaa Nabad-sugidda Galmudug oo magaciisa lagu sheegay Cali Tahliil Cadceed (Cali Dhiif) ayaa fiidnimadii xalay koox hubaysan ku toogteen koonfurta magaalada Gaalkacyo xilli uu fadhiyay meherad laga shaaho sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Dilka ninkaasi kadib ayaa sida la sheegayo rag hubaysan oo u dhashay Galmudug waxay gudaha magaalada ka uruuriyeen 9 qof oo qaarkood lagu tuhmayo dilka Cali Dhiif waxaana ay si wadar ah ugu laayeen meel ka baxsan gudaha Gaalkacyo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in hayb ahaan loo beegsaday dadka halkaasi lagu laayay oo aan u dhalan degaannada Galmudug islamarkaana qaarkood lagu tuhmay dilka Cali Dhiif oo fiidnimadii xalay lagu toogtay meherad ku taalla Koonfurta Gaalkacyo.

Laamaha amniga iyo mas’uuliyiinta Galmudug ayaan weli dhankooda war rasmiya ka soo saarin dadka laga uruuriyay koonfurta Gaalkacyo ee la laayay.