MAXAAD KA TAQAAANNA GOERGE ? AFRIKANKII UGU HOREEYAY EE WAX BARTA!!

Berigii hore markii ay gumeystayaashu soo galeen qaarada africa, wxa jiri jidhey in dadka afrikanka madow la ganacsan jirey. iyago loo iib geyn jirey wadamada yurub iyo america si looga faidaysto xoogooda .

malinkii dambe aya dadkii loo raray mareykanka wxa ka mid ahaaa nin iyo islaantiis ka soojeeda DALKA ZIMBABWE Odeyga iyo islaanta waxay ka shaqeyn jidheen beer oo ku qayb saday nin beerta iska lahaa muddo markii ay beerta ka shaqeynayeen ayaa waxa ay dhaleen Wiil ZIMBABWE ah oo ay habartaas iyo odeygaas iska dhaleen .
Oo xaqiiqdii ahaa dad aad u mad madow oo AFRIKAAN Asal ahna ahaa wiilkii waxay ubixiyeen GORGE

GORGE:Waa uu korey waa uu weynaaday Sanado badan ka dib waxa uu bilaabay isna inuu hooyadiis iyo aabihiis kala shaqeeyo beertii lagu qeyb saday taas oo ay ka hayeen saddexdooduba shaqooyin aad u culus oo Bini,aadamku aysan qaban kadhin muddo kabacdi GORGE ayaa la yimid fikir aysan hooyadiis iyo aabihiis aysan la,iman kasoo ah inuu is weydiiyo su,aasha ah waxa isaga ka dhigey ninka beeraha iyo shaqooyinka culus oo ay ku raaxaysanayan loo diro caddaankana ay dabaqyada sare iyo technology iyo aqoonta ay ugu raaxeysanayan Nolosha ficanna ugu nool yihiin.
GORGE Su,aashas markuu is weydiiyay waxaa. Usoo baxday in sababtu ay tahay in ay cilmi ay ku gaadhen heerka ay joogan iyaguna ay cilmi la,aan reebtay oo ay heerkaas dhigtay kadib waxa uu go,aan ku gaadhey in uu waxbarasho bilaabo waxa uu soo qaatay buug iyo qalin
Waxana uu go,aan ku qaatay inuu iskuul tago
Wuxuu soo galay iskuul ay ku dhex jiraan ardey yar yar oo ay dhiganayan iyo macallimiintooda iyo maamul kooda .

Ninkaan lasoco waa nin afrikaan asal ah oo Zimbabwe yaan ah oo aad iyo aad AFRIKAN nimadu uga muuqanayso dadkaas mareykanka joogana waa markii ugu horreysay oo dad madow ah ay arkaan markii uu iskuulka soo galay ayaa waxaa hal mar kala cararay ardeydii oo dhan ayaa hal mar fagatax oo yaacday 
Ninkii gorge ahaa waxay ku noqotay xaalad cabsi ah dadkiina waxay u haystaan inuu yahay GOORILE AMA DAANYEER kadib waxaa ka dhacdey meeshii muran iyo buuq iyo kala carar iyo yasid iyo ciyaalkii caddaan ka ahaa iyo dadkii oo layaaban qofkaan bini,aadamka ahaa oo la yaabban sida uu yahay oo aad iyo aad uga baqaya muuqalkiisa wana xaalad culus markii ay dad bini,aadam ah ay ka baqayan muuqalkaga waa xalad aad u culus
GORGE:Waa laga lahad lay maamulkii iyo macallimikntii lakin waa lidkii ardeyda dhalay waxay ka codsadeen maamulku ineysan u ogalaan ninka maadaama uu ardeydaan ka sasinaayo oo ay ka baqayaan hase ahaate ugu danbeyn waa loo ogalaaday inuu iskuulka dhigto hase ahaatee waxaa lagu yidhi Joorjiyow waxaad leedahay dadka ardeyda goobtan wax ku baranaya xaqqa ay leeyihiin barkood ayaad leedahay mawada lihid ee waxa wada leedahay barkiis waxaana ardeydii loo sheegay in ardey walba marka uu uu soo galo albaabka uu ku jiro oo uu kasoo galo in uu ku leeyahay hal feer ah iyo hal suxul ah iyo macallimiinta oo uu ku dhufanayan GORGE 
Oo ay kaga siiyan hii haa .

Intaas oo jug ah ayuu ku dhamaystay 12sano oo iskuulkiisa ah .
Intaa ka dib markii uu dhamaystay iskuulkii 
GORGE:Waxa uu go,aan ku gaadhey inuu barto cilmiga looyaqanno cilmi nafsiga waana cilmi aad umihiim ah oo qofka bartana uu noqonayo qofka ka gudba inta badan dhibaatooyinka waxna fahmi kara dadku waxay la damacsan yihiinna fahmi kara oo qiimayn kara dadku waxa ay raban iyo waxa ay fahan san yihiin qof walba waxa uu ujeedkiisu yahayna fahmi kara weeye cilmigaasu 
Si uu isaga difaaco dhagartaas oo isaga aan u ogalayn in uu xitaa yahay bini,aadam ayuu cilmigaas bartey 2sano ayuu bartay.
Markii uu dhamaystay ayuu go aan ku ku gaadhey inuu galo oo jaamacad kadib waxa uu jaamacad u aaday Gobalka California oo ah Gobalka ugu weyn Mareykanka waa gobol aad u kulul kadibna waxa uu soo qaatey alaab waxa uu damcay inuu wadada ka gudbo si ay u qaadan baabuurta u socota gobalka California 
Lakin nasib darro wax baabuur ah uma aysan is taagin iyagoo ka baqaya haddii ay ninkaan California galiyaan in dawladdu qabsato. maxaa yeelay waxaa la ogyahay haddi gobalka California lagaliyo iney ardey badan iyo carur badan ka sasayaan sidaa darteed gaari walba xawli ayuu ku dhaafaa wuxuu go,aan ku gaadhey inuu lugeeyo wuxuu lugeynaayay muddo aad u dheer xaqiiqatan isaga oo boor iyo madaw isku darsaday iyo madawgii iyo afrikaan nimadii iyo sankii weynaa isku darsaday ayuu ku dhex dhacay California.

Waxa uu galay jaamacadda la dhaho California waa jaamacadda ugu weyn gobalkas
jaamacaddii markii uu soo galay waxaa hal mar wadada cagta ku dhacay oo kala baxsaday ardeydii goobta joogtay iyagoo ka baqaya inuu yahay bahal cunaya waa arrin markaas arga gax badan kadib markii lakala cararay waxaa loo sheegay inuu ninkaan yahay bini,aadam xaqna uleeyahy inuu wax barto Hayado ayaa kala hadlay haloo ogalaado ayaa la yidhi laakin waxaa jaamacaddas dhigan jidhey Gabadh uu dhalay Gadoomiyaha Gobalka California Gabadhii ninkaan GORGE ah markuu albaabka kasoo galay ayayba suuxday kaddib muddo markii la rusheeyay gabadhii wey soo kacdey Gabadhii waxa ay tidhi ninkaas jaamacadda haddii uu dhigto oo uu soo galo anigu dhigan maayo gabadhana waa gabadh aad loo ixtiraamo oo laga dambeeyo Hadalkeeda. maxaa yeelay waxaa dhalay Gadoomiyaha Gobalka California kadib gabadhii waa laga la hadlay waa laga baryey war iskadaa baa la yidhi ugu danbeyn waxay ogalaatay in loo ogalaatay inuu jaamacadda dhigto 
waxay shardi ka dhigtey in laga qariyo wajigiisa haddii kale waxay sheegtay iney u sheegayso aabbeheed Jaamacaddana la xirayo oo ah Gadoomiyaha Gobalka California.

Maamulkii iyo macallimiintii waxay ku war galiyeen inuu wajigiisa daboolo inta uu jaamacadda uu ku jiro haddii ay Gadoomiyaha gabadhiisu ay aragtana ay suuxayso xaqiiqdii waa arrin naxdin badan oo guumeysigii noocii ugu weynaa ah oo dhibaato umaraayo waxbarashadiisa ninkaas iyo inuu heer gaaro .
Kadib waxaa loo sameeyay jawaan markaas ma jidhin mas karaati waa muddo aad u dheer ka hor kadib waxaa loo sameeyay juwaan indhaha iyo sanka ka furan ayaa loo Sameeyay Gobalku waa Gobalka ugu Kulul Mareykanka halkaas wax ka baro ayaa la yidhi muddo farabadan ayuu wax ku baranaayay sidaas isagoo aad u dhididayo ayuu sabuuradda wax ka qoran jidhey Ardeyd kale markay bareegga ubaxaan oo ay soo cunaan isagu waxa uu aadi jidhey hawada si uu ulayr sado maxaa yelay muddo ayuu ku jiray jawaan Taas oo ay ku khasab tay Gabadhii Gadoomiyaha Gobalka California Taas oo aan ogalayn iney aragto wajigiisa foolxumo daraaddeed Sida ay sheegayso haddii kale ay suuxayso.
Muddo markii uu arrinkaas ku jirey GORGE ayuu ku fakaray inuu adegsado cilmi nafsiga uu bartay siduu gabadhan isaga difaaci lahaa .
Gabadhan isagama diffaaci karo inuu diffaaco isagama diffaaci karo inuu caayo waayo heerkiisa waa ujeedda waxa uu isaga diffaaci karaa cilmi nafsiga uu bartay kaliya.
Kadib waxa uu soo ogaaday gabadhay qolka ay ka dagan tahay jaamacadda kadib waxa uu soo ogaaday waraaqaha meesha loogu rido waagaas ma jidhin taleefoonno iyo computer iyo qalab kale waraaqo ayaa wax la isugu qori jirey qofkana meel ayaa loogu ridi jidhey kadib markii uu meeshii soo ogaaday ayuu si qarsoodi ah u soo qorey waraaqo jacayl oo saamayn badan ku reebaya qofka bini,aadamka ah Qalbigiisa ayuu soo qorey.
Waraaqahas markuu qorayay waxa uu kala
haray copy.

copy caadi ah ma jidhin waraaq walba markuu qorayo mid kale oo lamid ah oo la far ah ayuu qorayay oo dhiganayay qolkiisa isaga oo og waxa imaan karo maxaa yeelay wa nin cilmi nafsiga bartay kadib waraaqo jacayl ah oo saameyn leh oo Qalbigeeda taabanaya ayuu ku qorey warqadahas uu qorayo ma ahayn oo kuma qornayn waxay kasocdan hebal balse waxaa ku qorna waxay ku socdaan hebla markaa lama gadhan karo cidda soo qortay Kadib Boosteejadeeda ayuu ugu ridaa maalin walba oo khamiis ah kadib markii ay ogaatay waraaqihii ay akhrisay way layaabtay saameyn ayayna ku reebtay gabadhas kadib maalinkii labaad ayuu kuwa kale ugu ridey isagoo cidna arkayn kadib maalin walboo ay aragto waraaqo lagu soo rido waxay aragtaa waraaqo kasii qurux badan waraaqihii hore oo ka farshaxamaysan kaasoo qalbigeediina soo jiitey waxayna u qaadatay in mid kamid ah ardeyda jaamacadda ee caddaanka ah uu usoo qorey warqaddaas isla markaasna uu uyeelay qof jacel iyadiina jacayl ku abuurey.
Laakiin ma oga inuu soo qorey GORGE waraaqahaas I.
ntaas ka bacdi Gabadhii sameyn ayay ku yeelatay waraaqahaas waxyna ku kalliftay iney gabadhii jaamacadd kasoo daahdo muddo markey soo daaheysay marki danbe waxay bilowday iney maalinna goyso maalinna timaaddo jaamacadda iyadoo ku mashquulsan waraaqahaas isla markaasna waxaa maskaxdeeda waxa ka guuxaya iney ogaato ruuxa soo qorey warqadahan nasiib darro kuma aysan guuleysan waraaqahaas .
Maalintii danbe waxay gabadhii keentay iney jaamacadda ka harto iyadoo uu qalbigeedu uu ku abuurey Jacayl qof aan la aqoon oo waraaqo usoo qoraya xaqiiqdii Gorge

waraaqaha uu adegsanayo waa ku wo ka culus kana khatarsan hubka Nuclear ka khatar badan oo qalbigeeda tooganaya waayo waa nin cilmi nafsiga bartay waxbadannaa yaqanna .
Maalinkii danbe waxay bilowday iney jaamacadda ka harto Gabadhii waxay maamulkii usheegen in GORGE iska saaro Jawaanka maxa yelay gabadhii ku khasbi jidhey lama hayo arrintaas aad buu ugu farxay GORGE wuuna nafisay arrintaas guul ayay unoqotay Islamarkasna Gabadhii inuu waxbarashada ka reebo intey iyadu ka reebi lahayd inuu isaga ka reebo.
Gabadhii waxaa ku lixaad saday jacaylkii wuxuuna isu badalay xanuun Aabbaheed waxaa ku cuslaatay xaaladds gabadhiisa aad ayuu u naxay waxana uu geeyay dhakhaatiir farabadan oo Gobalka California iyo adduunka ba ah waxa loo sheegay inuusan hayn xanuun
Jirka ah waxana laga qaadey dhacaanno farabadan balse Negative ayay dhehen dhakhaatiirtu .
Markii danbe waxaa loo geeyay Dhakhtar Francis ah oo joogay CAASIMADDA dalkaas ee Paris .
Dhakhtarkii wuxuu sheegay iney gabadhan wax ka maqan yihin ?
haddey hesho waxa ka maqan Gabadha wey caafimadaysaa kadib odeygii wuxuu utagay gabadhiisi wuxuna weydiiyay waxa ka maqan
Waxay sheegtay inuu jiro wiil usoo qori jirey waraaqo isla markaasna uu san sheegin cidda uu yahay wiilkas oo qalbigeeda hantay ayna rabto wiilkas iney hesho .
Haddii ay wiilkas ay heshanay waxy sheegtay iney waxbadan iska badalayan xaqiiqdii cudurkas waxa uu ahaa cudur iney udhimato ku sigatay oo aabbeheed na kala cararayay
Waxa uu kusoo laabtay Odeygii iyo gabadhiisii California waxa uu iclaamiyay in lagu qabto xalfado kiniisadaha iyo Jaamacadaha waxa kaliya uu raadinayo waa wiilkii waraaqaha usoo qori jirey Gabadhas si gabadha nolosheeda si loo bad baadiyo .

Ugu danbayntii waxaa shirara lagu qabtay Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay 
Ayaa lagu qabtay Jaamacadda California iyadoo ay ka soo qeyb galeen ardey badan oo caddaan ah iyo Heer Gobol iyo Heer jaamacaded marti macallimin iyo madax kale oo faro badan .
Iyadoo oo uu George kamid yahay ardeyda Jaamacadda Ayaa haddan waxa macallimiinta ay ka codsadeen Inu san is tusin Martid mesha isugu yimid waayo waxaa laga yaaba in lagu cananto oo ladhaho qofkan ma idinkaa mesha soo galiyay waxayna galiyen qol aad ukulul halkaas ayuuna ku dulmana xaqqiisana sidaa laga yeelay. 
Kadib safkii markii si quruxbadan loo fadhiistay ayaa waxa la keenay su,aasha ah in la raadinayo wiil usoo qori jirey waraaqaha Gabadhan iyadoona siriir lagu wado ayaana lasoo galiyay hoolkii .
Waxaana loo ballan qaadey haddii uu wiilkas is sheego in lasiinayo 3arrimoo dhawr ah .
1 in lasiinayo gabadha wa gabadh quruxbadan qoys laandheera ah ka dhalatay hanti badanna leh
2 in lacag lasiin doono
3 In lagu dari doono madaxda Gobalka California 
Xaqiiqdii damac ayaa galay dhalinyaradii mid walba lacagtas iyo gabadhas iyo shaqadas inuu isku helo ayaybilaabeen dhalin yaradii.
Dhawr ayaa isa soo qaddimay mid ayaa bilaabay oo yiri aniga ayaa usoo qor jidhey waraaqaha waxa la weydiiyay caddeyn madaxa ayuu timaha xoq xoqday wayo wax caddeyn ah mahayo ilaa 5qof ay fashilantay oo garan weydya caddeyn ayaa qolkii waxa kasoo baxay GORGE Dadku markay dhalinyaradu hor istaagayeen wey usacbinayeen hase ahaatee markii isaga la arkay sacabkii ayaa jogsamay indhihii oo dhan ayay taagen dadkii dhiniciisa ayayna utaageen waxaana la is lahaa talow kani muxuu samayn doonaa dadkii ayuu soo dhexmaray qof walba oo uu soo dhaafo waxa uu uu lahaa war naga fadhiiso ceeb kugu dhacday oo yaan nalagu kaa arage
GORGE waa socdey waxana uu fuuley goobtii masraxa ahayd .

Odeygii gabadha aabbaheed oo madaxda ka ahaa.masraxa ayaa yidhi war waxa muxuu ahaa isagoo kuwii horena ku yidhi maxad caddeynaysa balse GOERGE uu ku yidhi maxad tahay GEORGE wuxuu hal mar ku dhawaaqey inuu yahay wiilka la raadinayo ee gabadhas halkaas jiifta Jacaylka ku abuuray dadkii oo dhan ayaa dhafoorrada qabsaday Qaarna afka ayay qabsdeen Qaarna hoos ayay ujeesadeen cajaaib Naxdin Oohin qaar ayaa òo yay qaarna waa ku qoslayan waxayna noqotay arrin aad loola yaabo.
Ninkii daanyeer ka ahaa ee Gabadhii ka carari jidhey ee suuxi jidhey ee markay aragto suuxi jidhey kana carari jidhey oo maantay jacayl ku abuurayo aad ayay layaab unoqotay.
Kaddib aabbeheed waxa uu weydiiyay Maxaad caddeyn ah haysataa waxa uu GOERGE lasoo baxay waraaqadihii oo uu jeebka kala soo baxay oo uu la hari jidhey Tani waa tan tani waa tan ayuu hadalkiisii sii raaciyay.
Gabadhii oo maqlaysa ayaa indhaha kor utaagtay iyadoo kor u eegaysa Kaddib gabdhii ayaa soo booddey iyadoo aanan Kaceyn ayay kasoo booddey sariirtii waxayna xabadka galisey GEORGE Dadkii oo dhan ayaa istagay waana loo sacbiyay iyadoona aad loola yaabban yahay arrinkaan waxayna wax ka badashay Taariikhda Mareykanka oo dhan 
Halkaas ayaana gabadhii lagu goddoon siiyay GOERGE Gabdhana waxa lagu maga caabi jidhey Mariya GOERGE iyo mariya halkaas ayaa la isugu guuriyay Waxaana uu helay lacag badan wuxuuna noqdey madaxda Gobalka California Waxaa caruur badan udhashay Gabadhii Gadoomiyaha Gobalka California oo ahayd Gabadh Caddaan ah baal dahab ah ayuu ka galay Mareykanka GOERGE 
DHAMMAAD

UJEEDDADU WAXAA WEEYE SABRAA WAA UUGAARA Ayay SHEEKADU AHAYD WAXADNA OGAATAA WAX WALBA OO AAD ISKU DEYDO INAAD GAAREYSID HADAAD ISKA AAMINTO QOF LIITA SAA SAA WALIGAAD AHAAANAYSAA OO MEELNA GAADHI MAYSID HADDAAD ISKU DEYDO DADKA DHAN INAAD KA SAREEYSID HORAA USOCONAYSAA

Waxaa Nooga sheekeeyay aniga iyo ardey aan isku fasal ahayn Oo Fasalka 7aad is la ahayn DHAMAADKII 2015 USTAAD Mohamed Ahmed Yuusuf allaha ku xifdiyo ustaad

W/Q: Abdulaahi Abdirisack Ismaaciil Shaandheeye