Sarkaal Ajnabi ah oo Al-Shabaab looga dilay Hiiraan.

Dagaal culus oo u dhexeeya Maleeshiyaadka Macawisleyda iyo Argagixisada Al-Shabaab ayaa ka dhacay Duleedka Degaanka Halgan ee Gobalka Hiiraan, Iyadoona dagaalkan uu ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo Dhaawac.

Saraakiisha Hoggamineysa xoogagga Macawiisleyda ayaa sheegay in dagaalkaas ay ku dileen Sarkaal Ajanabi ah oo ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab iyo dagaalamayaal kale.

Sarkaalkan ayaa magaciisa lagu soo koobay Maxamed, waxaana la sheegay inuu asal ahaan u dhashay dalka Kenya, Isagoona ahaa mid si weyn looga dhex yaqaano Kooxda.

Ma jirto, wax war ah oo kasoo baxay Kooxda Al-Shabaab oo ku saabsan dagaalkan ka dhacay Duleedka Degaanka Halgan ee Gobalka Sanaag iyo Sarkaalka ajnabiga ah ee la sheegay in looga dilay.