Xukuumadda Deni oo heshiis cusub la gashay Shirkadda DP World (Daawo)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa Sheegay in Xukuumadda uu Hoggaamiyo ay dardar-gelisay Heshiiskii Balaarinta Dekedda Magaalada Boosaaso ee isha dhaqaalaha Puntland, kaas oo horey u gashay Xukuumaddii uu Hoggaaminayay Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas.

Madaxweyne Deni oo ka hadlayay Furitaanka Kalafadhiga 44-aad ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, ayaa tibaaxay in Heshiis cusub oo mudeysan ay la galeen Shirkadda DP World ee gacanta ku heysa Dekedda.

Madaxweynaha Puntland ayaan faah-faahinta, sidoo kalena aan Shaacin Waqtiga mudeysan ee uu sheegay inay la galeen DP World si ay u dardar-geliso dhismaha Dekedda Magaalada Boosaaso.