VIDEO: Jubbaland oo War adag kasoo saartay Dilkii Nabadoon Ibraahim.

Wasaaradda Amniga Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa Maanta Magalada Kismaayo ku qabatay shir looga hadlayay dhinaca Amniga sigaar ah dilkii xalay loo geystay mid ka mid ah Nabadoonada ugu caansan Jubbaland.

Kulanka waxaa shir guddoomiyaya Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdi Rashiid Xasan Cabdi nuur Janan,waxaana goobjoog ka ahaa  Taliyaha Booliska gobolka Jubbada Hoose Gaashanle Sare Maxamed Naasir Guuleed Xassan, Saraakiil sare oo ka socotay hogaanka Nabad-sugidda iyo dambi baarista Jubbaland iyo Taliyaha guud ee ciidanka Jubbaland Generaal Aadan ibraahim Maxamuud.

Wasiirka Wasaaradda ammaanka Jubbaland Cabdirashiid Xassan Cabdinuur ayaa ku dheeraaday ka hadalka ahimiyadda ammaanka iyo adkeynta nabadgelyada, waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in masuuliyad adag la iska saaro ilaalinta nabadgelyada isagoo tacsi u diray eheladii uu ka geeriyoday Alle ha u naxariistee Nabadoon Ibraahim Cabdiqaadir Xasan.

Sidoo kale  Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur ayaa sheegay inay jirto marin habaabin bulshadda iyo wararka been abuur ah ee ammaanka lidka ku ah ee lagu daabaco baraha bulshadda, wuxuuna sharraxaad dheer ka bixiyey muhiimada ay leedahay fahamka nidaamka amniga.

IDIL NEWS