VIDEO: Puntland oo digniin adag u dirtay Ajaanib ka shaqeeya Degaanadeeda

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Yuusuf Maxamed Ismaaciil Jeyte, ayaa ka hadlay Xaalada ammaanka Degaanada Puntland, isagoona sheegay in guulo balaaran laga gaaray Sugida amniga.

Sidoo kale, Wasiir Jeyte ayaa ugu baaqay Dadka ka shaqeeya Puntland ee Ajaanibta ah iyo kuwa kale, inay iska soo diiwaan-gashaan Wasaaradda Amniga Dowladda Puntland.

Ugu Dambeyntii, Wasiir ku-xigeenka Amniga Dowladda Puntland ayaa ugu baaqay Bulshada Reer Puntland inay ilaashadaan ammaankooda, waxaana uu digniin adag u diray Dadka Tahriibayaasha ah ee marinka ka dhigtay Puntland.