Akhriso: Maamul KMG ah oo loo Magacaabay Degmada Burtinle

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr-27 ee Juun, 19, 2019, ku magacaabay Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeenka ku meel gaarka ah ee Degmada Buurtinle.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu tixgeliyey: Is casilaaddii Golaha Deegaanka Degmada Buurtinle

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo in ay sii socoto shaqada Maamulka Degmada Buurtinle.

Markuu Qiimeeyey: Tala soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cabdirisaaq Maxamed Faarax (Dihaal) si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Buurtinle.

2. Waxaa Maxamed Cabdixakiim Geelle si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Buurtinle.

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.