Antonio Guterres “Muranka Badda ee Somalia iyo Kenya wuxuu wax-yeelin Amniga”

Dowladda Kenya ayaa raadisay in Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobay uu soo fara-geliyo muranka Badda ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Xoghayaha Guud ee Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobay Antonio Guterres, ayaa la sheegay in uu si aan rasmi ahayn Golaha dhexdiisa uga xusay in Muranka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya uu Khatar ku yahay Nabadda iyo Xasiloonida Soomaaliya.

“Labo Todobaad ka hor arrinta muranka badda ayaa Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobay Golaha amaanka u muujiyay in ay khatar ku tahay Nabadda iyo amniga Gobolka”  warkan waxaa baahiyay wargeyska the Standard, kaasi oo soo xigtay Monica Juma.

Kenya ayaa ku doodeysa in haddii ay Soomaaliya wadadaan sii heyso ay arrintan Qaaradda oo dhan Cawaaqib ku yeelan doonto, isla markaana ay dad badan ka wada xaajoon doonaan xuduudahooda.

Xukuumadda Nairobi ayaa sheegtay in arrintaan ay saameeyneyso Kenya iyo Tanzania, Tanzaniya iyo Mzambique, Mozambique iyo Koofur Africa, haddii xariijinta joogga ah la xukmiyo loo loola jeedo haddii ay Soomaaliya muranka Badda ku guuleeysato.

IDIL NEWS