Bandhiga Wax soo saarka dalka oo Magaaladda Muqdisho lagu soo Gaba gabeeyay.

Waxaa Magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay Bandhigga wax soo saarka Dalka, waxaana intii uu socday looga dooday caqabadaha ku hor gudban, fursadaha horyaalla iyo sida loo xoojin karo shirkadaha ka ganacsada Ilaha dhaqaalaha Qaranaka sida Beeraha, Kalluumaysiga iyo xannaanada Xoolaha.

Kulankan oo Laba Cisho socday ayaa waxaa soo qaban qaabiyay mashruuca kobcinta ganacsiga iyo shaqa abuurka ee hey’adda horumarinta caalamiga ah ee Mareykanka (USAID), iyadoo dooddaasina ay qeyb ka ahaayeen madax, qubaro iyo aqoonyahanno