Ciidamada ammaanka Puntland oo Qarxiyay Miino la dhigay Bartamaha Boosaaso

Ciidamada ammaanka Dowladda Puntland ayaa fashilayay Qarax weyn oo la dhigay Jidka isku xira Wadada weyn ee bartamaha Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland iyo Suuqa Caanaha.

Qaraxan oo ahaa mid la doonayay in lagu waxyeeleeyo Shacabka Magaalada Boosaaso, ayaa meesha la dhigay waxaa ka dhow Bar kantarool oo Ciidamada ammaanku ay ku baaraan Dadka iyo Gaadiid.

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay in qaraxa oo ahaa Miino lagu soo qariyay bac, ay Ciidamadu heleen kahor intii uusan qarxin.

”Halka la dhigay qarax Miino waa goob dadka iyo gaadiidku aad ugu badan yihiin, waxay xirnay dhammaan meheradihii, dadkiina waanu ka kaxaynay goobta, kadibna waxaanu qarxinay miinadii” ayuu yiri Taliyaha Booliiska gobolka Bari.

Ma jirto cid wax ku noqotay iyo hanti ku burburtay qaraxa miine ee la dhigay Bartamaha Magaalada Boosaaso, waxaana uu imaanayaa xilli uu kasii darayo haatan amniga Boosaaso.