Doollo: Madaxweynaha DDS oo kulamo ka wada Wardheer (Sawirro)

Madaxwaynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar, ayaa ku sugan Magaalada Wardheer ee xarunta Gobalka Doollo, halkaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay ka dhacayeen Dibad-baxyo ka dhan ah Xukuumadda Cagjar.

 Madaxweyne Mustafe Cagjar oo ay wehlinayaan Wasiiro katirsan Dowlad Degaanka Soomaalida, ayaa maanta kulan balaaran la qaatay Qaybaha Kala Duwan Ee Bulshada Wardheer, gaar ahaan Waxgaradka Gobalka Doollo.

Kulanka oo ahaa mid qaatay Saacado badan ayaa looga hadlay iskaashiga iyo wadashaqaynta Xukuumada Madaxweyne Mustafe Cagjar iyo Shacabka Gobolka Doolo, Iyadoona Waxgaradkii ka hadlay Madasha ay dhaliilo u jeediyeen Xukuumadda Dowlad Degaanka oo ay xuseen inay dayacday Gobalka Doollo.

Madaxwaynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar, ayaa sheegay inuu ogsoon yahay Xaalada Gobalka Doollo iyo Duruufaha adag ee ka jira, isagoona sheegay in Xukuumadiisu ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga jawaabeyso.

Mr. Cagjar ayaa sidoo kale ugu baaqay Shacabka Gobalka Doollo inay is dejiyaan, ayna ka shaqeeyaan sii xoojinta iyo taabagalinta nabadgalyada, horumarka iyo maamul wanaaga Gobalka Doollo.

Gobalka Doollo ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa ka socday Banaan-baxyo looga soo hor-jeedo Dowlad Degaanka Soomaalida, kuwaas oo ka dhashay Guddoomiye cusub oo Gobalka uu u soo Magacaabay Madaxweyne Cagjar, waxaana dadka Gobalka Doollo ay ku eedeeyeen in Xukuumaddu ay dayacday Gobalkaas oo aysan ka jirin Adeegyadii Aas aasiga ahaa sida Waxbarasho, Caafimaad iyo Hormar dhinacyada Waddooyinka iyo Biyaha ah.

Sawirro.