Madaxweyne Erdogan “Morsi 20 Daqiiqo yuu galgalanayay Maxkamadda”

Madaxwaynaha Turkiga ee Recep Tayyip Erdoğan ayaa maanta sheegay in Turkey aysan ka hari doonin oo uu dunida u bandhigayo kiiska Mohammed Morsi, MW hore ee Masar oo Isniintii si faj’a ah ugu dhex dhintay maxkamad uga socotey magaalada Qaahira.

“Mohammed Morsi nasiib xumo 20 daqiiqadood ayuu galgalanayay sagxadda qolkii maxkamadda, balse dowladdu waxba uma qabanin. Waana taas sababta aan u sheegayo inuusan sababo caadi ah u dhimanin, balse la diley,” ayuu Erdoğan u sheegay dad uu kula hadlayay degmada Sancaktepe ee magaalada Istanbul.

“Waxaannu ku boorrinaynaa ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC inay tillaabo qaadaan oo ay sameeyaan wixii daruuri ah. Waxaan aad ugu dalaali doonnaa in Masar lasoo taago maxkamad caalami ah,” ayuu raaciyay Erdoğan oo sidoo kale sheegay inuu arrintan kusoo qaadi doono shir madaxeedka G20 ee Japan ka dhacaya 28-29 bishan Juun.

Morsi oo ahaa madaxwaynaha qura ee abid lagu doortay dalka Masar sanadkii 2012, balse uu sanad kaddib afgembiyay Abdel Fattah el-Sissi, oo Galbeedka ka gows haysta ayaa dhulka ku dhacay kaddibna wadne xanuun u geeriyoodey Isniintii.