VIDEO: Puntland oo ku dhawaaqday inay ka madax-banaan tahay DF Soomaaliya

Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta ee Dowladda Puntland ayaa sheegtay  In Puntland lagu soo gali doono dal ku gal (VISA) “ si loo xoojiyo “ Amniga Dalka.”

Wasiir Ku-xigeenka Amniga iyo DDR-ta Puntland Yuusuf Maxamed Ismaaciil, oo la hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay in wasaarada amniga ay u taagan tahay ilaalinta Qaranka Puntland.

Wasiir ku xigeenka ayaa intaasi ku daray in puntland ay ka madax banaan tahay Dawlada dhexe ee Soomaaliya, uuna waajib ka saran yahay ilaalinta amniga iyo Xasiloonideeda.

Hadalka Wasiir Ku-xigeenka Amniga iyo DDR-ta Puntland Yuusuf Maxamed Ismaaciil, ayaa ku soo beegmaya xilli degaannada Puntland ay ku soo badanayan tahriibayaasha ka imaanaya koonfurta Soomaaliya iyo gudaha dalka Ethiopia kuwaasi oo qaarkood u sii gudbaan dhinaca dalalka Carabta.