VIDEO: Qaar kamid ah Wasaaradaha Puntland oo laga joojiyay Adeegii

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Abgaal oo maanta kulan la qaatay Agaasimayaasha Guud iyo Agaasimayaasha Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradaha Dawladda Puntland, ayaa dhaliil u jeediyay Qaar kamid ah Wasaaradaha Dowladda.

Wasiir Xasan Shire Abgaal ayaa Sheegay in qaar kamid ah Wasaaradaha Dowladda aysan bixin Canshuurtii ku waajibtay, ayna qaarkood dacweeyeen, kuwo kalena ay hada gudbinayaan.

“Shirka waxaan ku soo bandhignay liiska Wasaaraddaha aan bixin iyo kuwa bixiyay Canshuurta, waxaanu halkaas ka sheegnay in aanu dacwayn doono Wasaaraddo aan bixin Mashaariicda dhexmaray Cashuurtoodii kuwa bixiyay waanu amaanaynaa ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland”

Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa sheegay in ay jiraan hay’addo katirsan Dowladda Puntland oo ay adeega ka joojiyeen

“Haa way jiraan hay’addo bixin waayay Cashuurta Mashaariicda dhex marta dacwadna waan ka gudbinay adeegiina waan ka joojinay”

Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal, ayaan xusin Magacyada iyo Tirada Wasaaradaha ay ka joojiyeen Adeegii ay ku lahaayeen Wasaaradda Maaliyadda, waxaana hadalkiisu uu kusoo aadayaa xilli Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni uu horey u jaray Gunooyinkii ay qaadan jireen Shaqaalaha Wasaaradaha, Sidoo kalena uu dhimay Miisaaniyadda Qaar kamid ah Wasaaradaha Puntland.