VIDEO: Wasiirada Howlaha Guud ee DF iyo Dowlad Gobaleedyada oo heshiis gaaray

Shir looga hadlayey Hormaarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Qorshaha dib loogu dhisayo Waddooyinka isku xira Gobolada Dalka, ayaa Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ugu soo xirmay Wasiirada Hawlaha Guud ee heer Faderaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Shirkan oo ay Marti-gelisay Puntland ayaa intii uu socday waxaa si weyn loogu lafa-guray Dib u dhiska Waddooyinka burbursan iyo sidii loo xoojin lahaa Wada-shaqeynta Wasaaradaha Howlaha Guud ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada.

War-murtiyeed ka kooban 11 Qodob ayaa laga soo saaray Shirkan, Iyadoona dhinacyadu ay Heshiisyo ka gaareen Qeybsiga Deeqaha Dib u dhiska Soomaaliya, sidoo kalena ku balamay Kulamo kale oo ka qabsooma Degaanada Dowlad Gobaleedyada.