4 Ruux oo ku dhintay Shil gaari oo ka dhacay Godey (Sawirro)

Shil Gaari oo sababay dhimashada 4 qof, ayna ku dhaawacmeen 22, ayaa ka dhacay maanta duleedka Magaalada Goday ee Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya.

Gaarigan shilka galay oo ay leedahay shirka basaska ee Falkon coach, ayaa saaka subaxnimadii ka baxay Magaalada Goday, isagoona ku sii jeeday Caasimada Dowlad Degaanka ee Magalada Jigjiga, waxaana uu ku rogmaday duleedka Godey.

Dadka ku dhaawacmay Shilkan ayaa qayb kamida loo qaaday Isbitaalka wayn ee Magalada Jigjiga ee caasimada degaanka Soomalida, halkaas lagu daaweynayo.