Ciidanka PSF oo qabtay xabno katirsan Al-Shabaab iyo Daacisho

Ciidanka amniga Dowladda Puntland ee PSF-ta ayaa Howlgallo culus xalay ka fuliyay gudaha Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Dowladda Puntland.

Ciidanka ayaa hawlgalkooda kusoo qabtay 6 xubnood oo ka kala tirsan kooxaha cadowga ah ee Al Shabaab iyo Daacish, kuwaas ku dhuumaaleysanayay Gudaha Magaalada Boosaaso, sida lagu sheegay qoraal lasoo dhigay Barta Facebook ee Ciidanka PSF-ta,

Sidoo kale, Ciidanka PSF-ta ayaa howlgalkooda kusoo qabtay Agab iyo sahay loo waday kooxaha cadowga ah ee Al Shabaab iyo Daacish.

“Ciidanka PSF hawlgal ay xalay ka fuliyeen gudaha magaalada Bosaso ayaa waxay ku soo qabteen 6 xubnood oo ka kala tirsan kooxaha cadowga ah ee Al Shabaab iyo Daacish. iyo agab iyo sahay loo waday kooxaha cadowga ah ee Al Shabaab iyo Daacish.Top of Form

Howlgalka Ciidanka PSF-ta ay xalay ka fuliyeen Magaalada Boosaaso, ayaa yimid saacado uun kaddib markii Ciidanku ay fashiliyeen Qarax Miino oo la dhigay bartamaha Magaalada, kaas oo la doonayay in lagu waxyeeleeyo Shacabka iyo laamaha ammaanka.Top of Form