Maxaa looga hadlay kulankii Golaha Wasiirada IGAD ?(Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ka qeybgalay kulanka gaarka ah ee 68aad ee Golaha Wasiirrada IGAD oo ka furmay  Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

Kulanka ayaa  sidoo kale ka qeybgaleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Itoobiya, Jabuuti, Kenya, Koonfurta Suudaan, Suudaan iyo Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ee Uganda.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda wadamada xubnaha ka ah IGAD waxa ay ka doodeen xaaladda Suudaan iyo horumarka laga gaaray howlaha taabagelinta dib u noolaynta geedi socodka Koonfurta Suudaan.

Wasiir Cawad ayaa halkaasi kusoo bandhigay dhibaatooyinka xilligaan ka jira dalka Soomaaliya iyo horumarka guud ahaaneed oo ay ku tallaabsatay dowladda Federaalka Soomaaliya.