Maxay ka wada-hadleen MD Farmaajo iyo Guddoomiyaha BMHSH ? (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa xalay kulan albaabadu u xiran yihiin kula yeeshay Villa Soomaaliya Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa warar kala duwan ay kasoo baxayaan waxyaabihii looga hadlay, iyada oo ilaa iyo hadda Madaxtooyada Soomaaliya ay kasoo saarin wax War ah.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in la iskula soo qaaday sidii loo xalin lahaa xiisada ka taagan Baladweyne ee ka dhalatay xilka qaadiistii Guddoomiyihii Gobolka  Hiiraan Yuusuf Dabageed iyo arrimo kale oo ku saabsan Siyaasadda iyo la socoshada Hirshabelle ee Dowladda Federaalka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed oo todobaadyadii la soo dhaafay ku maqnaa dalka Sacuudi Carabiya ayaa dib ugu laaban doona Magalada Jowhar, iyada oo uu jiro khilaaf ka dhashay fasax uu geliyay Xildhibaanada Hirshabeelle, kadib markii uu joojiyay kulamadii Baarlamanka Hir-Shabeelle.