VIDEO: Beesha Habar-gidir oo fashilisay Qorshihii MD Farmaajo & RW Kheyre

Waxgaradka iyo Isimada dhaqanka Beelaha Habar-gidir ayaa Heshiis ku gaaray in laga hor-tago Doorashada ay qorsheynayso Dowladda Federaalka inay ka qabato Degaanada Galmudug bisha soo socota, taas oo dhabar-jab ku ah Qorshaha Madaxda Dowladda Federaalka ee ah in Galmudug la geeyo Madaxweyne u olaleeya Doorashada 2020-ka.

Odayaasha beelaha Sacad, Ceyr, Duduble, iyo Saruur oo kula kulmay Magaalada Muqdisho odayaasha beesha Reer Xaaji Saleebaan, ayaa looga hadlay qodobo ku saabsan mideynta Habar-gidir iyo ka hortagga damaca dowladda Soomaaliya ee qabashada doorashada Galmudug sanadkaan 2019.

Beesha reer Xaaji Saleebaan ayaa laga dalbaday in magaalada Cadaado aysan ka dhicin doorasho ay soo abaabushay dowladda Soomaaliya oo ku saabsan degaanada Galmudug.

Fadlan Subscribe Dheh Channel-ka Idil Tv, Like saar Idil News.

Dowladda Soomaaliya ayaa waday qorshe doorashada Galmudug ah waxayna rabtaa in ay ku qabato magaalada Cadaado, maadaama aysan tagi karin Dhuusamreeb, hase-yeeshee odayaasha Habar-gidir oo dhan ayaa ku heshiiyay Magaalo ka tirsan Galmudug aysan doorasho ku qaban karin dowladda Soomaaliya, taas oo lagu sheegay bur burinta Dowlad Gobaleedka Galmudug.

Magaalada Cadaado oo horey u aheyd xarunta KMG-ka ah ee Dowlad Gobaleedka Galmudug, ayna degto beesha Saleebaan-Habar-gidir ayaa aheyd meesha kaliya ee looga cabsi qabo in ay doorasho ka dhacdo, hase-yeeshee Habar-gidir ayaa is hortaag ku sameysay qorshihii dowladda Soomaaliya.