VIDEO: Madaxweyne Xaaf oo si kulul u weeraray Madaxda DF Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Gobaleedka Galmudug, ayaa ka hadlay Waraaq kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka iyo Dadkii lagu laayay Magaalada Gaalkacyo.

Madaxweyne xaaf ayaa sheegay inay wax laga xumaado tahay Waraaqdii kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka, isagoona tilmaamay inay Galmudug tahay Maamul aan haatan mudneyn in wax loo yeeriyo.

“Galmudug mahan State cusub, sharci bay leedahay, Dastuur bay leedahay, nidaam bay leedahay madax bey leedahay, Caasimadeedii bay joogtaa, in lagu xad-gudbo oo la yiraahdo hadda ayaa doorasho loo qabanaa aad ayaa uga xumahay”

Dhanka kale madaxweyne Xaaf wuxuu soo dhaweeyay shirka bartamaha bisha todobaad ka qabssomaya Magaalada Hobyo.

“Shirka Hobyo waxaa aaminsanahay inuu yahay shir dan noo noqon kara, ummadi hadey tashatoo isku imaato Aaan tashano waa aan heshiino, wax laga naxo maaha waa wax lagu farxo, laakiin waa inuusan ahyn mid annaga dhabar jabinaya”.