Ciidanka Dowladda oo la wareegay Degaano kamid ah Sh/hoose

Ciidamada Xoogga Dalka ee Danab,ayaa saakay deegaano cusub kala Wareegay Al-Shabaab ka dib markii ay howlgal ka sameeyeen degaano Hoos yimaada Magaalada Marko ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga dalka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in degaanada ay ka qabsadeen Al-Shabaab ay kasoo qaadi jireen Weerarada ka dhanka ah Ciidanka dowladda ee ku sugan Marko.

Howlgalka ayay sheegeen in ay sii socon doonaan tan iyo inta laga saarayo Al-Shabaab gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa bilihii ugu dambeeyay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka waday gobolka Shabeellaha Hoose.