Kenya Oo La Wareegtay Xeryo Qaxooti.

Laba xero qaxooti oo loo furay inay martigeliyaan dad Soomaaliyeed oo kasoo cararay macluushii ku dhufatay dalka sannadkii 2011kii ayaa la xiray laguna wareejiyey dowladda Kenya. Kenya ayaa sheegtay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xirayo xerada qaxootiga ee Dadaab oo ah xero weyn taasoo gabbaad u ahayd qaxootiga ku dhawaad 30 sano.

Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa xeryaha la faarujiyey ku wareejisay dowladda Kenya jimcihii. Qaxootigii degganaa xeryahaas ayaa qaarkood dib ugu laabtay dalka Soomaaliya iyadoo qaarkoodna la dejiyey saddexda xero qaxooti ee kala ah Hagardera, Dhagaxleey iyo Ifo.

In ka badan 80,000 oo Soomaali ah ayaa dib loo celiyey shanti sano ee la soo dhaafay iyadoo ay jirtay cambaareyn ka imaaneysay hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha kuwaas oo sheegay in si qasab ah dadka loo celiyey.