Kulamadii ka socday Dhuusa-mareeb oo la isku mari la yahay

Kulamo lagu qancinaayo dhinacyadda iska soo horjeedda ee Dowlad Gobaleedka  Galmudug ayaa ka socda Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug.

Kulamaddan ayaa u dhaxeeya Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, Madaxa Xukuumadda Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo shalayto gaaray Dhuusa-mareeb.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa xalay kulamo la qaatay Madaxa Xukuumadda Galmudug iyo Macalin Maxamuud, waxaana kulamaddiisa looga hadlay sidii doorasho uga dhici la heyd Magaalada Dhuusamareeb.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka iyo Wafdiga dowladda Soomaaliya ee gaaray Magaalada Dhuusamareeb iyo waxyaabaha la isku afgartay intii ay socdeen kulamada kala duwan ee looga hadlaayay Xaaladda Galmudug.

Wararka ayaa sheegay in kulamada weli la isku mari la yahay, Iyadoona Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu iska diiday inuu qaabilo Wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka.

Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta maamulka iyo waxgaradka ayaa sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay dooneyso in Galmudug ay ka dhacdo doorasho la mid ah midii ka dhacday Magaalada Baydhabo.