VIDEO: Maxkamadda Gobalka Nugaal oo maanta u fariisaneysa mar kale kiiska Caa’isho Ilyaas

Maxkamadda Gobalka Nugaal ayaa maanta u fariisanaysa Racfaanta laga qaatay Dacwada Kiiskii Caasho Ilyaas Aadan, oo aheyd Gabar 12 sanno jir ah oo kufsi iyo dil looga geystay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

Maxkamadda ayaa horey xukun dil ah ugu riday 3 Nin oo lagu helay inay ka dambeeyeen Falka Afduubka, Kufsiga iyo Dilka ahaa ee Caa’isho Ilyaas loo geystay, iyadoona ay racfaan ka qaateen.

Dhageysiga Maxkamadeynta Racfaanka laga qaatay Kiiska Caa’isho Ilyaas, ayaa ka bilaabanaysa Hoolka Shirarka Gobalka Nugaal, iyadoona ay ka qeyb-galayaa Masuuliyiin katirsan Xukuumadda, Hay’adaha u dooda Xaquuqda Insaanka iyo Shacabka Garoowe.

Xeer Ilaaliye ku-xigeenka  Dowladda Puntland Maxamed Xareed Faarax oo dhowaan ka hadlay racfaanka laga qaatay Kiiskan ayaa sheegay in uusan waxba bedeli doonin maadama ay cadeymo rasmi ah ku hayaan Raga loo xukumay Kiiska Caa’isho Ilyaas.