VIDEO: Maxkamadda Racfaanka oo u fariisatay Kiiskii Caa’isho Ilyaas

Maxkamadda Racfaanka Gobalka Nugaal ayaa maanta u fariisatay Dhageysiga Racfaan laga qaatay Xukunkii dilka ahaa ee lagu riday Saddexda eedeysane loo heysto falkii Afduubka, kufsiga iyo dilka ahaa ee loo geystay Caa’isho Ilyaas Aadan oo aheyd 12 sanno jir ku nooleyd Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

Qareenada u doodaya eedeysanayaasha loo heysto Kiiska oo horey Maxkamadda Gobalka Nugaal ay ugu riday Xukun dil, ayaa Maxkamadda ka jeediyay Hadalo, Iyadoona ugu dambeyntii dib loogu dhigay kulanka Maalinimada berrito ah.

Xeer Ilaaliye ku-xigeenka Guud ee Dowladda Puntland Maxamed Xareed Faarax, oo markii kulanku soo gaba-gaboobay la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay rajeynayaan in Racfaanka uusan waxba ka bedelin Xukunka dilka ah ee lagu riday Saddexda Eedeysane.