VIDEO: Puntland oo la daalaa dhacaysa Dhaqaalo xumo baahsan

Dowladda Puntland ayaa wajahaysa dhaqaalo xumo baahsan, wixii ka dambeeyay Doorashadii Madaxweyne Siciid C/llaahi Deni, Iyadoona ay jirto in Gunooyinkii laga jaray dhamaan Shaqaalihii Dowladda, Sidoo Kalena ay bilooyin waayeen Mushaaraadkoodii.

Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, oo Khamiistii Warbixin siiyay fadhiga Baarlamanka, ayaa shaaciyay in lixdii bilood ee sannadkan u horraysay uu dhaawac culus gaaray dhaqaalaha Puntland.

Guddiga oo mudda lix bilood ah ku hawllanaa uruurinta xogta Dhaqaalaha Puntland, ayaa Golaha u sheegay in guud ahaan Dhaqaalaha Puntland uu hoos u dhac weyni gaaray tan iyo bilowgii sannadkan, iyadoo meelaha qaarkood saddex-meelood oo hal-meel aysan ka soo xaroon dakhligii laga filayay, sida uu guddiga xusay.

Sidoo kale, Warbixinta ayaa lagu sheegay in dakhliga Kastamka iyo Canshuuraha barriga ay fadhiid noqdeen lixdii bilood ee u horraysay sannadkan, taasina ay dhaawac culus gaarsiisay dhaqaalaha Puntland.

Qodobka labaad ee curyaamiyay shaqaalaha Puntland, ayaa guddigu ku sheegay badeecooyin sharci-darro ah oo ka soo furmay dhinaca Somaliland, kuwaasi oo wasaaradaha ku shaqada’leh ee Puntland ay ka qaadan canshuur yar oo aysan u qalmin in laga qaado.

Warbixinta Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Baarlamaanka Puntland, ayaa kusoo aadeysa xilli Dowladda Madaxweyne Deni ay meesha ka saartay  Canshuur dhaafkii loo sameyn jiray Hay’adaha iyo Shirkadaha, Sidoo kalena ay joojisay Gunooyinkii ay qaadan jireen Shaqaalaha Dowladda.

Sidoo kale, Warbixinta Guddiga ayaa imaaneysa xilli uu dhowaan Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Xasan Shire Abgaal uu sheegay inay sare u qaadeen Hanaanka Canshuuraha Dalka, uuna kordhay Dakhligii dalka.