VIDEO: Puntland oo si adag u dhaliishay Go,aan ay qaadatay DF Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Cadaalada, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta Dowladda Puntland Cawil Sheekh Xaamud, ayaa maanta Magaalada Garoowe ka daah-furay Shirka Qareenada Soomaaliya iyo Puntland, kaas oo looga hadlayo sidii ay u sameysan lahaayeen Xeer ay ku wada-shaqeeyaan Qareenada Puntland iyo kuwa Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Dowladda Puntland Cawil Sheekh Xaamud, oo ka hadlay furitaanka Shirka ayaa sheegay in Garsoorku uu ku tayaysmi karro mideyn laga sameeyo dhinacyada Sharciga iyo Wada-shaqeyn dhex marta Qareenada.

Sidoo kale, Wasiir Xaamud ayaa xusay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay dhowaan sheegtay in Qareen ay u aqoonsan tahay cid ka qaadata Waraaqda Qareenimada, taas oo uu tilmaamay Wasiirku in caqabad ay ku tahay Midnimada.