Amb:-Safiyo Basey maxay galabsatay?

Waa Gabar ka mid ah haldoor-ka Puntland ee waxtarka ah wax muuqadana uqabatay bulshada.

Safiyo Basey waa wakiilka Puntland ee Dalka Imaaraadka Carabta mudo dheer.

Mudaddii ay soo haysay xilkaas Puntland waxay ku matashay shirar caalamiya,waxay soo abaabushay barnaamijyo dalka iyo dadka waxtar u ahaa.

Sidoo kale waxay si burhaan leh oo maqaam sare ku fadhida u ilaalisay Dowladnimada Puntland.

Basey waa shaqsiga soo dhameeyay oo keenay mashruuca balaarinta Dekeda Bosaso ee maanta laysku raacay muxaafid iyo mucaarad in uu yahay mid muhiim ah.

Hadaba,iyadoon haba yaraatee waxay khaladay aysan jirin in shaqada laga fariisiyo oo waliba xuquuqdeedii la duudsiiyo mahan wax la aqbali karo.
Madaxweyne Deni laftigiisu ma yaqaan waxa uu kula dagaalamayo Safiyo Basey.

Kooxda khatarta ku ah nidaamka Puntland ee dagaalka ku qaaday Danjire Safiyo waxay ogsoon yihiin in ay tahay qof haldoor ah oo iyaga ka balaaqo dheer jeebkana aan ugali karin,isla markaana wax badan ka og arimaha Carabta.

Ugu danbayn Basey waxay mudan tahay bilad sharaf ee ma mudna in la xag-xagto.