Guddoomiyihii Maxkamadda sare ee Puntland oo geeryooday

Guddoomiyahii Maxkamadda sare ee Dowladda Puntland Dr. Yusuf Xaaji Nuur ayaa ku geeriyooday Dalka Turkiga, oo dhowaanahan uu u joogay xaalad caafimad.

Geeriga Dr. Yuusuf Xaaji Nuur ayaa waxaa xaqiijiyay qaar kamid ah Eheladiisa, Iyadoona uu aad u xanuunsanayay Guddoomiyuhu muddooyinkii ugu dambeeyay.

Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa 16 August 2016, xilkan u magacaabay Marxuum Dr. Yusuf Xaaji Nuur, isagoona wax badan ka qabtay hanaanka garsoorka Puntland.

Dr. Yusuf Xaaji Nuur, waxa uu isla xilkaan qabtey markii Puntland la asaasey xiligii AUN Madaxweyne Cabdulaahi Yusuf Axmed, waxaana si weyn loogu xasuustaa mudadii uu ahaa ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland sanadkii 2001-dii.