Ma umadaxbanaan yahay hogaaminta Puntland Madaxweyne Deni?

Ma wadaniyad iyo ka fogaansho Qabyaalad ilaa salka hoose socota bay ka tahay Madaxweyne Deni Wareegtooyinkiisan la yaabka leh.

Guud ahaan Africa awood qaybsigu waa hab Qabaliya oo xataa dalkii ay ka hirgasho doorasho waxay noqotaa Dimuqraadiyad Qabiilaysan.

Waxa laysku aaminaa waa beel.

Waxa layskugu ficiloodaa waa beel.

Waxa wax laysku siiyaa waa beel.

Waxa layskugu hiiliyaa waa beel.

Madaxweyne Deni oo 6-bilood ka hor ku guulaystay hogaaminta Puntland-ta muhiimka ah,waxuu la yimid hab dhaqan aan horay ujiri jirin.

Madaxtooyada Puntland waxaa is tusa in ay gaar uleeyihiin hadba mudo xileedkaa Madaxweynaha kursiga ku fadhiya Jifidiisa.

Inta badan xilalka muhiimka ah ee Madaxtooyada laga qabto,waxaa isu diyaariya beesha Madaxweynaha,kuwaasoo laga xusi karo..

B.Talyaha ilaalada Madaxtooyada,
T.Agaasimaha Madaxtooyada 
J.Agaasimaha Maamulka Maaliyada Madaxtooyada.

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuuf waxaa u ahaa Agaasimaha Maaliyada Madaxtooyada Cali Cabdiqaadir .oo uu Adeer ugu aadanaa.

Madaxweyne Cadde Muuse waxaa u ahaa Agaasimaha Maaliyada Madaxtooyada Axmed Muuse Cali Faahiye oo ay Ilmo Adeer hoose ahaayeen.

Madaxweyne Faroole waxaa u ahaa Agaasimaha Maaliyada Madaxtooyada Cali Mahdi oo ay Jifi hoose isla ahaayeen.

Madaxweyne Gaas waxaa u ahaa Agaasimaha Maaliyada Madaxtooyada Cabdinaasir Maxamuud Gurey oo ay Ilmo Adeer hoose ahaayeen.

Hadaba Madaxweyne Deni waxa uu udhiibay booskaas muhiimka ah ee Agaasinka Maaliyada madaxtooyada Nin laga keenay Zambia oo aan kasoo jeedin Jifida xiligan hogaamisa Madaxtooyada ama si kale hadii loo dhigo Xisbiga talada haya.

Agaasinka cusub ee maaliyada madaxtooyada waa Nin ay keensadeen kooxda Aaran-jaan isla markaana ay jifo hoose yihiin Maxamuud Shido oo ah xiriiriyaha kooxdaas.

Madaxweyne Deni hadii la oran lahaa waxa uu ka fogaanayay qabyaalad aan xuduudaysnayan,isla markaana waxa uu badalayay dhaqamadii hore saw ma diidayso aragtidaas magacaabista Ninkan ay wadato kooxdan khatarta ku ah horu-socodka Dowladnimo oo horayba u haystay Wasaaradii Maaliyada iyo guud ahaan ilaha dhaqaalaha Dowladu ka timaado.

Waxaa muuqata in Deni yahay Nin aan umadaxbanaanayn taladiisa oo ah Madaxweynihii ugu horeeyay oo Kursiga lagula fadhiyo ama aan muqdar ahayn.

Jibril Qoobey.