Madaxweynaha D/Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa la kulmay Jaaliyada Jubbaland ee Dalka Kenya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa la kulmay Jaaliyada Jubbaland ee Dalka Kenya isagoo uga warbixiyay Xaalada Jubbaland iyo dib usoo kabashada deegaanka.

Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu ku amaanay Jaaliyada dadaalkooda la xiriira sidii ay uga qayb qaadan lahayeen hormarinta deegaanka isagoo hoosta ka xariiqay in si rasmi ah loo furi doono Xafiiska Jaaliyada ee Nairobi kuwaas oo Noqon doona wakiilla Rasmiga ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Kenya.

Jaaliyada ayaa Madaxweynaha ka codsatay in la joogteeyo xiriirka Jaaliyada iyo Dowlada waxaana Madaxweynahu uu balan qaaday in arintaas la xoojin doono.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale la kulmey Dhalinyarada JYL ( Ururka Dhalinyarada Jubbaland) kuwaas oo dadaalo badan u sameeyey sidii ay waxbarashada iyo wacyigalinta bulshada kor loogu qaadi lahaa.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dadaalkoodana ku bogaadiyey kuna dhiiri galiyey inay dadaalkooda sii labo jibaaraan.

Madaxweynaha ayaa u ballan qaadey inay Dowlada jubbaland garab kasiin doonto sidii dhalintaas sida mudawacnimada ah u shaqeynaysa dadaalkooda uga miro dhalin lahaayeen deegaanada Jubbaland oo dhana u gaasiin lahaayeen.