VIDEO: Madaxweyne Xaaf oo isaga baxay Dhuusa-mareeb, kuna wajahan Gaalkacyo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa safar dhulka ah goordhow ugaga ambabaxay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa la sheegay inuu aaday Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, waxaana la sheegay in Madaxweynaha ay galbinayaan Ciidamo taabacsan oo ku sugnaa duleedka Magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamada ku sugnaa duleedka Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxa ay ahaayeen kuwo ka soo tegey magaalada Gaalkacyo iyagoo doonayay in soo galbiyeen Madaxweyne Xaaf, balse loo diiday inay gudaha u galaan magaalada.

Madaxweyne Xaaf ayaa iska diiday inuu wada-hadal la yeesho Wasiirka Arrimaha Gudaha dowlada Federalka Cabdi Maxamed Sabriye, kaas oo ku sugnaa maalmahan dhuusa-mareeb, waxaana guuldareystay Dadaalo ay wadeen Madaxa Xukuumadda iyo Hoggaamiyaha Ahlu-sunna.

Ka tagitaanka Madaxweyne Xaaf ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa imanaysa kadib markii magaaladaas ay ka tageen wasiirka arrimaha gudaha Dowladda Federaalka iyo madaxa Maamulka Galmudug, kuwaasoo howlo nabadeyn ah ugu ambabaxay magaalada Matabaan oo ka tirsan Maamul Goboleedka Hirshabelle.