Maxaad kala socotaa is-casilaada Guddiga Doorashooyinka Puntland ?

Guddiga Doorashooyinka KMG ah ee Dowlddd Puntland ee (TPEC), ayaa la filayaa inay dhowaan ku dhawaaqaan inay is casileen dhamaantood, sida ay Shabakadda Idil News u xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah.

Sarkaal sare oo kamid ah Guddiga ayaa sheegay in Xubnaha guddigu ay kulan kula yeesheen Madaxtooyadda Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni, ayna ku war-geliyeen in maalmaha soo socda ku dhawaaqi doonaan Is-casilaadooda.

Guddiga ayaa ka cabanaya Madax banaani la,aan iyo in aan lagu tixgelin shaqooyinkooda Dastuuriga ah, waxaana ay ku eedeeyen xubno ka tirsan Xukuumadda iyo Saaxiibada Madaxweyne Deni inay ka wadi waayeen Shaqooyinkoodii, taas oo ay tilmaameen inay u cuntami Karin.

Talaabadan ay isku casilayaan Guddiga Doorashooyinka Puntland ee TPEC, ayaa imaaneysa xilli uu Madaxweyne Deni uu dhowaan shaaciyay in muddo kordhin uu u sameeyay Guddiga, ayna dardar-galiyeen Hanaanka Dilmuquradiyaynta iyo Asxaabta badan ee Dowladda Puntland.