Ra’iisulwasaare Abiy oo ka hadlay Afgambigii dhicisoobay (War-saxaafadeed)

War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Axmed ayaa waxaa ugu horeen lagu cambaareeyay Afgembiugii dhicisoobay ee ka dhacay gobolka Waqooyi ee Amxaarada  dalka Itoobiya.

Abiy Axmed waxa uu sheegay in lagu xadgudbay Dastuurka dalka Itoobiya,isla markaana meel ka dhac ay ku tahay Shacab weynaha mudada soo halgamayay ee Amxaarada Itoobiya.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray Abiy Axmed in marnaba aan la aqbali Karin,waxaana uu digniin u diray dadka horboodayay afgembigii dhicisoobay,balse khasaaraha dhaliyay.

Afgembigaas ayaa sida la sheegay waxa uu u jeedkiisu ahaa in guud ahaan dalka Itoobiya uu ka dhaco,waxaana laga cabsi qabay in uu ka bilaawdo Mgalada Adis Ababa,waxaana Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu ugu baaqay Ciidamada Federaalka Itoobiya inay dalkooda difaacdaan.

Afgembigii dhicisoobay ee ka dhacay deegaanka Amxaarada ee dalka Itoobiya ayaa waxaa lagu dilay taliyihii Guud ee Ciidamada Itoobiya General Seare Mekonnen,waxaana la jaray qadka Isgaarsiinta Guud ahaan dalka Itoobiya.