VIDEO: Puntland oo ku dhawaaqday in xaalad adag ay ka jirto Caluula

Guddiga Gurmadka Degmada Caluula ee Gobalka Gardafuu ayaa Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland uga dhawaaqay in xaalada adag ay ku sugan yihiin Dadka Degmada Caluula.

Guddigan oo ka kooban Wasiiro uuna Magacaabay Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni, ayaa sheegay in loo baahan yahay in gurmad deg deg ah la gaarsiiyo bulshada Reer Caluula oo ay saameeyeen Fatahaadaha Khooriga badda uu ku sameeyay Degmadaas.

Sidoo kale, Guddiga ayaa xusay in dhowaan ay Caluula tagi doonaan Wasiiro iyo Khuburo dhinaca badda ah oo ka socda Dowladda Puntland, ayna gaarsiin doonaan Degmadaas gurmad hordhac ah.

Ugu dambeyntii, Guddiga gurmadka Degmada Caluula ayaa ugu baaqay Shacabka Puntland inay u istaagaan ka qeyb-qaadashada gurmadka loo sameynayo Bulshada Reer Caluula oo ay heystaan duruufo adag.