Baarlamaanka Puntland oo maanta Su’aalo weydiinaya Wasiirka Amniga

Wasiirka Wasaaradda amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan, ayaa maanta hor-tagaya Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, isagoona su’aalo laga weydiin doono Xaalada amni ee Degaanada Puntland.

Wasiirka amniga Puntland ayaa la filayaa in si gaar ah ay wax uga weydiiyaan Xildhibaanadu fashilada hareeyay dadaaladii amni ee Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari, halkaas oo Wasiirku uu in muddo ahba ku sugnaa.

Guddiga Nabad-galyada iyo Amniga Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, oo dhowaan warbixin u gudbiyay Baarlamaanka ayaa ku eedeeyay Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan Dastuur jabin iyo inuu Hubeeyay Dhalinyaro arday ah, kuwaas oo sababay Xaalado amni darro oo ka jira Gobalka Bari.

Sidoo kale, Guddiga ayaa Wasiirka amniga Puntland ku eedeyay qaadista lacago sharci daro ah oo aan waafaqsaneyn nidaamka Maaliyadeed ee Puntland, iyo Wadashaqayn la’aan Hay’adaha amniga qaarkood oo cabasho ka keenay.

Wixii Kasoo Kordha kala Soco Idil News