DF Soomaaliya iyo Somaliland oo wada-hadal uga furmayo Nairobi

Masuuliyiin ka kala socda Dowladda Federalka iyo Maamulka la magac baxay Somaliland ayaa lagu wadaa in berri ay ku kulmaan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Kulanka oo ay soo qaban-qaabisay xarunta xallinta khilaafaadka ee Centre for Humanitarian Dialogue (HD), ayaa waxa ka qeyb-galaya mas’uuliyiin matalaya labada dhinac iyo wakiilo ka socda Beesha Caalamka, waxaana Somaliland ku matalaya Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon, maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada Maxamed Cabdi Rodol iyo wakiilka Somaliland ee dalka Kenya Baashe Cawil Cumar.

Sidoo kale, Xukuumadda Federaalka Soomaaaliya waxaa kulankaasi ku matalaya, agaasimaaha guud ee Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Fuursade iyo Kaaliyaha agaasimaha Madaxtooyada Cabdisataar Geelle.

Dhanka Beesha Caalamka, ayaa waxaa goobjoog ka noqon doona safiirka Turkiga u qaabilsan wada-hadallada xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland Olgan Bekar, wakiilka ururka IGAD u qaabilsan Soomaaliya iyo waddamada Badda Cas Dr. Maxamed Guyo, Danjiraha Midowga Yurub ee Geeska Afrika Alexander Randos, Madaxa Xafiiska Dawladda Ingiriiska ee Hargeysa Stuart Brown iyo saraakiil kale.