Madaxweyne Deni oo ku wajahan Sanaag, adkeynayana dhaxalkii Dr. Gaas

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa ku wajahan Degmada Badhan ee Gobalka Sanaag, xilli Degmadaas ay dhowaan soo gaareen Saraakiil iyo Ciidamo katirsanaa Maamulka Somaliland oo kusoo biiray Ciidanka Difaaca Puntland.

Wafti Wasiiro ah oo horudhac u ah Madaxweyne Deni ayaa maalmihii ugu dambeeyay kusii qulqulayay Degmada Badhan, Iyadoona Goor-dhaweyd ay Degmadaasi gaareen Illaa 5 Wasiir oo kamid ah Xukuumadda Deni.

Wasiirada maanta gaaray Degmada Badhan ayaa waxaa kamid ah Wasiirada Wasaaradaha Waxbarashada, Cadaaladda, Duulista Hawada iyo Howlaha Guud, kuwaas oo qeyb ka ah Wafuud maalmahan tageysay Badhan.

Madaxweyne Deni ayaa qorshuhu ahaa in bartamaha Bisha July uu tago Degmada Badhan, balse warar ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu soo horumariyay Socdaalkiisa Gobalka Sanaag, waxaana jira diyaar-garow ka socda Degmadaas.

Socdaalka Madaxweyne Deni ayaa la sheegay inuu ku qotomo adkeynta wada-shaqeynta Shacabka Gobalka Sanaag iyo Dowladda Puntland, waxaana safarkiisu ku aadaya xilli Degaanada Gobalka Sanaag ay ka socdaan olalayaal ka dhan ah Maamulka Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Deni ayaa u muuqda mid doonaya inuu adkeeyo Saameynta Dowladda Puntland ay ku lee dahay Gobalka Sanaag, taas oo uu bud-dhigay Madaxweynihii Hore ee Dowladda Puntland mudane C/weli Maxamed Cali Gaas, oo Mashaariic horu-marineed iyo Hanaanka Dowliga ah gaar siiyay Degaanadaas.

IDIL NEWS