Ra’iisulwasaare Kheyre oo maanta tagaya Dhuusamareeb, Heshiisna saxiixaya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Gobalka Galgaduud.

Wafti horu-dhac u ah Ra’iisulwasaare Kheyre iyo Ilaaladiisa ayaa shalay gelinkii dambe gaaray Dhuusamareeb, kuwaas oo saaka la wareegay amniga Dhuusa-mareeb, gaar ahaan Garoonka Diyaaradaha.

Ujeedada safarka Ra’iisul Wasaaraha uu ku tagayo Dhuusamareeb ayaa lagu sheegay, xaaladaha ka taagan Maamulka Galmudug iyo Doorashada aan loo dhameyn ee ay qorsheynayaan inay ka dhacdo Dhuusamareeb.

Wararka ayaa sheegay in Ra’iisulwasaare Kheyre uu dhuusamareeb u tagayo si uu Dowladda Federaalka ugu saxiixo Heshiis ay horey u gaareen Villa Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Ahlu-sunna, kaas oo ku aadanaa in meesha laga saaro Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Si kastaba ha ahaatee, Safarka Kheyre ee Degaanada Galmudug ayaa u muuqda mid sii cakiraya Xaalada Galmudug, oo haatan u muuqata inay dib ugu laabatay meeshii uu horey uga keenay Madaxweyne Xaaf.