Ururka Ardayda Jubbaland ayaa kullan dhiiragelin ah u qabtay Ardayda ka qalin jebisay dugsiyadda sare ee Magaalada Kismaayo.

Tababarka waxaa ka soo qayb galay Madaxda Ururka Dhalinyaradda Jubbaland iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Jubbaland.

Ujeedada tababarka ayaa ahaa kala talinta Ardayda caqabadaha soo wajihi kara marka ay ku biirayaan Jaamacaddaha iyo qaabka ugu fudud ee ay u doorran karaan kuliyadaha ay doonayaan.