DEG-DEG: Ra’iisulwasaare Kheyre oo ku wajahan Cadaado iyo Villa Somalia

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa kulan kula leh Magaalada Dhuusa-mareeb xubnaha Hoggaanka Ahlusunna, kuwaas oo ay ka wada-hadlayaan xaalada siyaasadeed ee ay gashay Galmudug.

Kulanka oo ah mid balaaran ayaa u dhexeeya Ra’iisul Wasaare Kheye oo ay wehlinayaan Wasiiradda Arrimaha Gudaha, Amniga, Boostada iyo Isgaarsiinta iyo Xildhibaano ka soo jeeda deegaanka iyo Macalin Maxamuud Sheekh Xasan oo ah Hoggaamiyaha Kooxda Ahlusuna iyo Sheekh Maxamed Shaakir.

Wararka ayaa sheegaya in la isku soo qaaday sidii dib u heshiisiin loo bilaabi lahaa, lana isku keeni lahaa dadka reer Galmudug, si xaalada loo dejiyo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay wax ka bedeshay qorshaha ay ka damacsaneyd Galmudug oo markii hore loo arkayay inay hal dhinac la macaamileysay, balse ay haatan bilowday isku day dhinacyada Galmudug ula xaajooneyso, si xiisada siyaasadeed ee jirta loo xaliyo.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Xasan Cali Kheyre uu safar dhulka ah ku tagayo Magaalada Cadaado oo ay ku sugan yihiin Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, wafdi Xildhibaano ka yimid Muqdisho oo uu horkacayo Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare.

Xiisada siyaasadeed ee ka jirta Galmudug ayaa maalmihii la soo dhaafay cirka gashay, kaddib markii Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu ka baxay Dhuusamareeb, kuna dhawaaqay inuu buray heshiiskii Jabuuti ee u dhaxeeyay Galmudug iyo Ahlusuna.