Gudiga amniga Ee Baarlamaanka Puntland oo ku hor ceeboobay golaha

Gudiga amniga Baarlamaanka Puntland waxay kasoo gudbiyeen Wasiirka amniga Mooshin ku aadanaa in lasoo gole joojiyo kalsoonidana loo waydiiyo Xildhibaanada.

Wasiir Gallan oo mudo ka meermeerayay hor imaanshaha Baarlamaanka,ayaa ugu danbayn shalay hortagay waxuuna ka jawaabay dhawr su’aalood oo la waydiiyay.

Su’aalaha la waydiiyay,waxaa ugu muhiimsanaa oo laga xusi karaa mid ahayd ”Maxaad Mudug utagi wayday”.waxuuna kaga jawaabay ”Fursad baan uwaayay ee waa tagi doonaa”.

Xubnaha gudiga amniga intooda badan iyo Wasiir Gallan,ayaa habeen hore wada yeeshay kulan ka horeeyay kan guud ee baarlamaanka,kaasoo la tuhunsan yahay in uu ahaa mid baalmarsanaa nidaamka si hoosana wax loo kala goostay.

Xildhibaanada la tuhmay ee golaha ku hor ceeboobay si aad ahna shalay loola dooday,ayaa waxaa kamid ah:-

1.Xildhibaan Baduugahaye.
2.Xildhibaan Daa’uud
3.Xildhibaan Indhoceel.

Doodii shalay waxay banaanka keentay liidashada xubnaha gudiga amniga Puntland iyo sida aan loogu aamini karin qadiyada amni ee Dalka.

Xubnaha Gudiga amniga ee la eedeeyay waxaa lagu haystaa in ay laaluush qaateen ,isla markaana fashiliyeen la xisaabtankii Wasiirka una sameeyeen qish.

Jibril Qoobey.