Sawirro: Dowladda Austria oo Safiir Cusub u soo magacaawday Soomaaliya

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa Wasaaradda kaga guddoomay nuqul kamid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ee Mudane Dr. Christian Fellner Safiirka idman ee Jamhuuriyada Federalka Austria u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Intii lagu guda jiray kulanka, waxa ay ka wada hadleen xiriirka laba geesoodka ee u dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah yo sidii loo xoojin lahaa, loogana horumarin lahaa dhinacyada kala duwan ee nafciga ugu jira labada shacab iyo labada dal.