Suldaan Garaase ka feejignoow hagardaamada Aaran-jaan!!

Waa isbadal kooban oo durba ka muuqday isbitaalka caasimada Puntland ee Garowe.

Gabadha isbitaalka hada loo dhiibay waa qof sida muuqata muujisay dadaal deg-deg ah,isla markaana qorshe fog oo waxqabad wadata.

Inkastoo lala soo daahay isbadalkan oo ay ku qurux badnayd in la sameeyo ka hor intaan la joojin mashruucii balaarnaa ee lagu dhisii lahaa isbitaal weyn oo Puntland leedahay,kaasoo Dowlada Jarmalku maalgalin lahayd.

Sida xogaha aan ku helayno magacaabista Gabadhan isbadalka la timid Wasiirka caafimaadka waxuu kala kulmay culays uga yimid golaha Wasiirada dhexdooda.kaasoo gaaray ilaa heer Madaxweyne ku-xigeenka soo faragaliyo arinka.

Wasiirada culayska saaray Wasiirka caafimaadka,waxa ay kala yihiin…

1.Wasiirka maaliyada.Xasan Shire Abgaal

2.Wasiirka cadaalada. Cawil Shiikh Xaamud

Labadan Wasiir,ayaa ehel dhow la ah maamulkii la badalay ee isbitaalka,waxayna Wasiirka caafimaadka ku qabsadeen in uu baalmaray hab qaybsi beeleed oo lagu qaybsan jiray maamulka Isbitaalka.

Sida xoguhu sii iftiiminayaan buuqa arinkan waxuu xataa gaaray oo ay lugaha usoo galiyeen labadan Wasiir Suldaan Maxamed Siciid Garaase oo markaas dalka dibadiisa joogay.

Suldaan Garaase.ayaa khadka taleefoonka kula soo hadlay Wasiirka Caafimaadka kana codsaday in uu arinkaas dib u eego,balse Wasiirka caafimaadka,ayaa ku adkaystay go’aankisii isbadal ee maamulka isbitaalka uu ku sameeyay.

Isbitaalka Garowe oo ah midka caasimada muraayadn u ah guud ahaan Puntland,ayaa waxaa ka muuqda dayac baahsan oo sababay in la joojiyo mashaariic Malaayiin dolar ku bixi lahayd oo dhanka Caafimaadka ah lagana hirgalin lahaa Puntland.


Jibril Qoobey.